Sidii-ay-ku-bilaabmantay
Bilowga Taariikhda kubbadda xeegada ee Somaliya asal ahaan tii laba qaybood aya u kala baxaa. Hans Grandin oo ka tirsan Borlänge Bandy ayaa ku fikiray aritan mashruuca is dhexgalka halkaas oo xul qaran Soomaali ah muhiimada yahay wiilasha qaranka matalayaana ay ahadaan wiilal Borlänge dagan.
Patrik Andersson ayaa maqlay wax ku saabsan arintan, oo gartay in hadii la rabo in arintan raad loo yeelo oo la horumariyo fikradan in loo diro xulka qaranka Soomaaliyeed Vm ka oo lagu qabanayey magaalada Irkutsk ee dalka ruushka.
Dadaal ayuu sameeyay Jan-Olof Lundberg, oo qaabilsan dad is dhexgalka degmada Borlänge, markasuu la kulmay Patrick iyo Hans bishii December 2012 . meesha oo ahayd Alma Cafe koob bun ah dusiisha ayay ku shirreen meesha saana go aan lagu gaadhay ku saabsan sidii loo hir galin lahaa Somalai Bandy iyo sidii loo hore marin lahaa dad isdhexgalka Borlänge .
Tan kadib Patrick iyo Hans ayaa la kulmay Mursal ciise iyo Hassanovic Osman Ali oo ka soo jeeda Swesom, kooxda kubada cagta ee Sweden / Somalia ee Borlänge, kulan kaas kadib wax badan baa isku duba dhacay. mursal iyo xasan awalba waxay ka fikirayeen kooxda kubada cagta waxa ay jiilaalka qaban lahayeen kadibna waxay garteen inay kubada xeedaga ay noqon karto wax ay tijaabiyaan.
Bishii sadexaad 2013 waxay tageen Hassanovic iyo afar wiil oo Somali ah (cabdixakiin Mohamed, Mohamed Ahmed, Cabdi Caziiz iyo Mohamed Dhegnas) garoonka barafka ee Freinds Arena iyagoo raacay Borlänge Bandy si ay u soo daawadaan ciyaarta kubada xeegada tii noloshooda ugu horeysay. waxay nasiib u yeesheen in ay noqoto SM finalka qaranka ee kubbadda xeegada. oo dadka daawada yaasha ahi aad u badnaayeen iyo jawiga oo aad uu u kacsanaa barafka dushiisha (ciyaartoyda) benjiga fadhigiisana arinta wax ugama dhimin, taas waxay sabab u noqotay inay go aan ku gadhaan inay kubada xeegada ay bilabaan oo ay ku dadalaan.
Kulan lala yeeshay Bandy International Federation ayaa caddeeyo in ay suurto gal tahay in ay Soomaaliya ka qeyb qaadan karto koobka adduunka. wiil soomaliya oo somaliya u laabtay aaya caawiyay Patrik n uu ku dhaqaaqo, oo xiriir la yeesho raysal waaseraha sportska dalka ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed wuxuuna codsaday in uu xubin IBF ka mid ah noqdo.
Tan iyo markaas ayuu mashruucu kacay. Xiisaha tv iiyada iyo jaraaidad uu weynaa laga bilaabo shirka ugu horeeya ee lagu qabtay barxadda xeegada ee tunet bishii maj. “Wararka ugu filashada yar” ayuu tusaale ahaan jaraaidka Aftonbladet qoray. Markaasuu u kacay markii ugu horeysay Pelle Fosshaug uuna sheegay inuu tababarayo xulka qaranka Somalia.
waxaa arinta gude galkeeda laga bilaabay kulanka ciyaartoyda oo la qabtay bishii June. Waxaana kasoo qayb galay Filip iyo Fredrik si ay u duubaan oo u diiwaangaliyaan taariikhda Somalia Bandy. Ugu horeyentii wuxuu ciyaartoyda Pelle Fosshaug u sheegay waxa ay qaadato si sport gooni ah khatar loogu noqdo. wiilasha way u cadayd in u tababarku aad u muhhuim yahay haddi meel gaadh la rabo. bisha June kadib waxay bilaabeen inay tababartaan 3-4 jeer usbuucii oo ay ku tababartaan waxyaabo kala duwan oo ciyaaryahanka kubada xeegada looga baahanyahay inuu yaqaano. Qayb weyn oo ka mid ah tababarka xagaaga ayaa ahaa kabaha-shaagaga. Dala Active Skaters ayaa ku deeqday inay amaahiso wiilasha kabaha shaagaga leh, qalabaka taxadirka iyo sidoo kale tababarah, Daniel Sven Olsson.
Jaantuska Cia Embretsen Tababaraha barafka Falun ayaa arintan ka akhrisay jaraaidka oo arktay tartan xiiso leh. Waxay ku biirtay kooxda tababareyaash kabaha barafka waxayna goob joog ahayd tababarkii labaad oo ahaa xilliga dayrta gudeheedii 2013. Cia waxay sidoo kale xiiso galisay Martin Grimlund oo ay isku kalaas dhigtaan iyo Sebastian Dahl oo arrintan kafaala qaaday sida tababaraha labaad . Saddexdooda ayaa qaaday daryeelka oo dhan Habka Saadka, tababarka iyo qalabka iyada oo ay kormeerayaal ka ahayeen Pelle Fosshaug iyo qayb ka mid ah Borlänge Bandy.
Ilaa dhamaadka January tababar ku waqti buuxa ayuu ku socday, ilaa ugu badnaan afar jeer oo tababarka barafka ah todobaad kasta. Waxaa intaa dheer safarkii Irkutsk qorshayntiisa oo dhan qorshayntaas oo xambaarsan su’aalo ku saabsan qalabka, codsiyada fiisaha iyo wax kaloo badan. Waxaa runtii ka jira qabow aad u badan Siberia dabayaaqad bisha January iyo bilowga February, marka koobka adduunka uu bilaabinayo. Qof kasta waxa uu si buuxda u ogaa in ay kooxda waqti gaaban lee ay haysteen haday tahay tababarka iyo is diyaarinta oo ayna intaasna guul usoo gooyn lahayn ciyaaraha ku soo food haya laakiin safarka waxuu ahaa mid wax badan ku saabsan waayo aragnimada iyo isu diyaarinta koobabka mustaqbalka. waxaa kaloo mahad leh Helena Magnusson oo ahayd caawimo aad u weyn markii loo yimaado soo codsashada fiisada iyo isku diyaarinta safarka.
Safarka koobka adduunka wuxuu ahaa waayo-aragnimo weyn oo ay adag tahay in lagu qeexo erayo. dadka Ruushka Waxay noo soo dhaweeyeen si fiican sidii geesiyaal. Waxaa safarka lasocday xataa dhakhtarka Andreas Westergren oo ku soo biiray kooxda safarka gudihiisa halkaas oo uu gacan fiican ka gastay xitaa haddii uuna ubaahan inuu dhaawacyo waaweyn daweeyo. Kooxda ayaa sidoo kale lagu xoojiyay Anwar Xareed oo Canada uga yimid. Marka Anwar dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee taariikhda ayaa goobaha khamaaraka ku qasbanaadeen in ay xirto dadka lacagta ku dhiganaya somalia bandy, lacag badan ayay dad badan badiyeen. 500x qofkiiba arin la xalin kari waayo ayay ku noqotay. Anwar ayaa dhaliyay goolkii kale inta lagu guda jiro tartanka koobka adduunka. Xataa “Jax” Deeq Ahmed Abdulle ayaa dhaliyay goolka sadexaad. goolhayaheena “Caydidde” Ahmed Mohamed ayaa si adag u shaqeeyay laakiin sidoo kale helay amaan badan. Intii ay socotay munaasabada xiritaanka, wuxuu helay bilad ciyaaryahanka ugu qiimaha badan.
Sidee ku dhacday in koobka adduunka, waxaad ka akhrin kartaa xiriirka hoose.
Link to natiijada iyo warar ciyaarta.
Mudooyinkii fiic fiic naa waxaa ka mid ahaa markii ay ciyaartoyda soo laabteen, sidii madaxnimada iyo sharfata lahayd ee loogu soo dhaweeyey Borlänge kadibna markii ay Filip & Fredrik ku casuumeen ciyaartoyda podcast koodii ugu danbeeyay .
Xilliga gu’ga iyo xagaaga 2014, kooxda waxay ku tababarteen kabaha- shaagaga iyo tababarka jidhka muruqyada guud ahaan. , ayaa waxa la abaabulay xero tababar oo ku taala magaalada Rättvik iyo dhamaadka Augusti markii kooxda mar labaad tababarkii barafka uu u bilaabmay. hadda kooxda waxay ka kooban tahay 30 ciyaaryahan. oo u tababaranaya koobka aduunka ee sanadka soo socda 2015 ee lagu qabanayo magaalada Chabrovsk ee ku taala ruushka. Bilawga December, ayaa la qaban doonaa xul ka qaranka cusub. Tartankan ayaa noqon doona mid u furan Soomaalida adduunka oo dhan tartankan oo ku sahabsan 18 qof ee matali doonaa Soomaaliya koobka adduunka ee sanadka soo aadan.